gabdhaheen


Jacaylku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qof kasta oo wax jeceli lagu gartaa astaamo gaar ah oo inta badan soo ifbaxa xili dambe oo jacaylku daaro ka dhisto qalbigiisa.

Hase yeeshee qofna ma jecla in sahal loo ogaado sirtiisa jacayl oo
wuxuu daneeyaa in ay isaga oo kaliya ku koobnaato.

Haddaba astaamaha lagu garto qofka wax jeceli aad ayay u fara badn yihiin, laakiin waxaan qormadeenan ku xuseynaa inta aan is leeyahay way ugu muhimsan yihiin.

Ugu horeyn waxaa lagu gartaa in uu hiyi kaco marka lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jecel yahay, waxaana wajigiisa durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, wuxuuna xilli kasta sii jeclaystaa ka sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan qofka uu jecel yahay,
wuxuuna mar walba ku dadaalaa ilaa waqti in ka sheekeyntiisa ama ka sheekeynteeda la sii wado si uu ugu raaxaysto hadal heynta Lamaantiisa.

Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba wuu xanaaqayaa oo ka
damqadaa, wuxuuna bilaabaa amaba isku dayaa in uu difaaco ama
uu u ceeb asturo, haddii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga
tagaa.

Waxa kale oo astaamaha lagu garto qofka wax jecel waxa ka mid
ah xiiso gaar ah oo uu mar walba u hayo la kulanka qofka uu
jecel yahay, laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu
yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa
ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa
oo waxaad dareemaysaa Xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee
caloosha.

Mararka qaar waxaad iloobaysaa qorshe badan oo aad
rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa
dhacaysa in aad sheeko caadi ah oo jacaylku kaasoo tufayo aad
kula haasawdo oo aadan qorshe muhim ah kala munaaqishoon.

Shaqsiga wax jecel waxa uu mar walba tixgelin iyo karaameyn
gaar ah siyaa qofka uu jecel yahay mana ogolaanayo in saxar
qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto, haddii isaga uu
dhibaateysan yahay tiisa uma muuqato ee qofka uu jecel yahay
mida heysata ayaa u muuqata oo la weynaata tan isaga heysatana
umaba jeedo.

Qofka wax jeceli wuxuu u dhego nuglaadaa qofka uu jecel
yahay, una dabacsanaadaa, deeqsi ayuu u noqdaa, una naxariis
falaa mar walba isagoo isku dayaya in uu qanciyo jacaylkiisa.

Marka Hadii aad tahay qof uu soo maray jacelylka ama aad qibrad
u leedahay, fadlan wax yar nooga faa`iidee.
meesha hoos ku soo qor

Ogoow uma baahnid in aad magacaaga oo sax ah ku qortid hadii aad
rabtid in lagu ogaan qofka aad tahay.

W/q: Bille maxamed
Diyaariye Dayib