30 Oct
Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu. Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo. Si ayna ugu dhicin booraan. Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxay figrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd.
Gabadhu waa inay ka feejignaataa khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa. Waa inay iska shaandhayso, balanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya
inay fushadaan ujeedooyin qarsoon. Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudfud loo duufsan Karin.
Bal aan soo qaadano qaar ka mid ah hadalada macaan ee soo jiita dumarka.
= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa.
= muxu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.
= ma qof la iloobi karo ayaad tahay.
=mar kasta xusuustayda kama baxdid
= waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.
Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna
waxay gabadhii ku beermaya jacyl xaddhaaf ah.
Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.
1) Lacag
2) Aqoon
3) Qurux
4) Aftahnimo
5) Madaxnimo
6) Dabeecad wanaagsan
Calaamadaha dumarka wax jecel.
= waxaynu soo qaadan doonaa calaamadaha ugu caansan.
= waxay la soo baxaysaa xishood aad u badan
= waxay jeceshahay inay mar kasta kul joogto
= waxaad ku arkaysaa shaki badanm oo ay kaaga shakiyayso inay gabadh kale kaa
qaado. Laakiin shakigaasi maaha kii xumaanta ahaa, ee waa jacyl xadkiisii
dhaafay.
= is qurxin xad dhaaf ah, oo ay ninka ku soo jiidanayso.
= waxay ku halmaantaa magaciisa, markay sheekaynayso.
= waxay la soo baxaysaa inay markasta garaacdo tilifoonkaaga,si ay u maqasho
hadalkaaga,
Maxay dumarku qiimeeyaan.
1) Jacylka.
2) Quruxda.
3) Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).
4) Xafladaha.
5) Labiska ( dhar xidhashada).
Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.
= gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.
= gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan
tixgalin hadalkiisa.
= gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo
ku gacansaydha.
= gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.
= gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan
gurigeed ku filan.
Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.
= in la amaano.
=in loo keeno hadiyado kala duwan.
= in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.
= in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.
= in la caawiyo markay hawl hayso.
= in laga ilaaliyo hadalada qallafsan.
= in loo muujiyo ixtiraam badan.
= in loo garaabo sax ama khalad
=in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)
Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay.
= gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.
=gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana qurxisa.
=gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.
=gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.
=gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.
Qoraaladan waxan ka soo xigtay buuga magaciisa la yidhaa: men are from mars and
women are from venus.
Aqristoow adigana Fikradaada ka dhiibo hadii aad u aragto qaar aan soconeyn mise aan ku cancin, meesha hoose faaladeede noogu soo gudbi
Cali cabdi coomay
Freelance
masha alaah walahi masha alaal
walaal waa fikir aad u wanagsan oo dhankastaa ku qanci karaan rag iyo dumarba
Waa Hadal Xigmad Leh nabe
waa sida uu qoraagu sheegay aniguna waxan raacinayaa in
gabdhuhu laba uqeyb samaan.
1:marka hore gabdhaha waaya araga ama wax ka bartay diinta iyo cilmiga maadiga waxay uga duwan tahay gabadha aan wax soo baran dhawr siyaabood oo kala ah maamul wanaag samir iyo barbaarinta ubadkeeda ayadoo ay kaashaneyso cilmiyadii ay soo baratay ninkeedana waxay unoqaneysaa raaliyo caruurteedana waxay utarbiyeyneysaa sidii ayada losoo tarbiyeye wax yabaha xumaanta keeni karana wey iska fogeyneysaa.
gabadha aan wax barana ninkey rabto uun bey iska raaceysaa ayadoo mustaqbal danbe eegin dabadeedna lagama yaabo in ay ka danbeyso ninkeeda ama ay darajeyso waxay ubadan tahay in ay la tirsato waayoo wax walbaa jahli bey ka tahay weyna adag tahay in ay raaliyo unaqato.
waxay ku kala duwan yihiin aqoonta iyo cilmiga diinta haddii gabadhu wax ka fahanto cilmiga diinta kuma degdegeyso ninkeeda waxay badineysaa samirka haddii uu ka gardaranyahay xatee.
Ragga.
ragga ayaguna waa lamid laakiin ayaga waxay si gaar ah uga duwan yihiin xagga mas’uuliyda waayoo asaga wuxuuba mas’uul ka yahay nafteeda oo dhan ragga qaar ma gartaan sidaa ee waxay isku dayaan in ay gacan uqaadan xaasaskooda ayagoon soo xasuusaneyn jacelkii iyo mas’uuliyaddii uu qaaday.
ragga aqoonyahanada ahna inta badan gacan uma quudhaan
ayagoo jecel in ay habeen iyo maalinba daawadaan xaasaskooda dhibkana weyka dhawraan macaanto wax aan aheyna ma yidhaahdan.
marka waxa inoo cad in Aqoontu meel walbaa ay kaa jaahil bixineyso cilmiga diinigana uu muhiim yahay in la barto si dhaqanka reerka uu unoqdo mid leesku waaro.
Anigu ra’yigeygu waa intaas.
Mash allaah saamiya ayaan ku fikir ahay aniga beenna ma ahan quruxi waa diin qof kii diinyaqaan ayaa kacayl garanaaya jacaylka aan ilahay raali ka ahayn wax farxad ah malahan dardaaran bulshada dhamaan wiilow guursu gabar diin leh gabarey adna guursu wiil diin leh inshallah allaah waxaad helaysaan ow laad diinta barata mustaqbalka dhamaan teen
masha allah masha allah aad ban ugu farxay run ahantii in iga maqnaydna wanka bartay wad mahadsantihiin akhyarta diyaarisay
Manshalah walahi waxyalo badan ban kafaiday
waxaan idii sheegayaa dumroow rag ha aaminina kii wax barta iyo kan jaahilka ihi waxay jecelyihiin in ay ku xukumaan.hasii daynina dardaarankii hooyo Arin-wiilo oo ay ragu u bixiyeen (Caraweelo) Illaahay Janadii Fardoowso ha ka waraabiyee.waxay jecelyihiiin in aad raaliyo u noqotid oo siduu doono kaa falo,waamaxy raaliyo waa kuwa madaxa laga garaaco oo lagu sababto waxaad galysaa janda oo ninkaag ayaad ka dambaysaa. waxaa waa laga tagay eesh qiyaasak. gabadh 15 jira ayaa waxaa loo guurinayaa oday coodh coodhay oo 80 jir ah. haday gabadhi guursato nin ay hal snada ka wayntahay waxay odhanayaan waaxa uu guursaday islaan.
Leave a reply