21 May
Waxaad moodaa in bulshadeena ay ku yartahay wax waydiintu, taasoo u sabab ah aqoon la,aan baahsan iyo dadkeena oo aan inta badan wax wayn u arag waxyaabaha qaar sida dhibaatadan aynu manta ka hadli doono ee loo yaqaan (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah wakhtiga galmada. Akhriste waxa hubaal ah in wixii xun uun laga xishoodo maadama ay wanagsantahay in aad ogaato waxkasta oo ku dhaca bani aadamka sida xanunada kala duwan oo badankooda laga dawoobo. Maqaalkan manta waxaynu ku eegayna xanuunkan loo yaqaan (PE) oo boqolkiiba 65-70% ku dhaca raga aduunka ku nool, iyadoo celcelis ahaan 3dii ninba uu hal nin ka cabanayo dhibatadan la soo darista wakhtiga uu qofku guursado.
Waa maxay (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ahi?
Waxa afka qalaad lagu yidhaa (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah xiliga galmada, xanuunkan oo keena in qofku uu awood u yeelan waayo inuu xajiyo biyaha manida ah xiliga galmada iyadoo dhakhaatirka badankoodu ay isku raaceen in raga qaar ay ku biyo baxan wax ka yar 30sec ilaa 2 minute inta u dhaxaysa, mararka qaarna uu qofku biyo baxo isagoon wali hawshiba bilaabin, xanuunkan ayaa noqday mid fara baas ku haya dhalinyarta qarnigan nool, hadii aynu si kale u dhigno, iyadoon la odhan Karin waa xanuun wayn hadana way adagtahay in ninka dhalinyarta ahi uu tago dhakhtar oo uu soo bandhigo inuu ka cabanayo xanuunkan, akhriste, sida aynu wada ogsoonahayba caafimaadku waa shay muhiim u ah saldhiga nolosha.
Waxa suurto gal ah adigoon is ogayn inaad tahay qof ay dhibaatadani haysato, inaad guursato maalin maalmaha ka mida, mudo yar kadibna aad ogaato inaad tahay qof aan (control) lahayn xiliga galmada lagu gudo jiro,taasina ay ku sababi karto lamaanaha waji gabax iyo raaxo la,aan.(dissatisfaction of marriage). Gabadh ka mida gabdhaha caalamka ku nool ayaa jariirad online ah oo la yidhaa (zawaj.com) kusoo qortay cabasho ay kaga cabanayso ninkeeda iyadoo cinwaan uga soo dhigtay(my husband does not satisfy me in bed) oo macnehedu yahay ninkaygu ima qanciyo, akhriste dumar badan oo caalamka ku nool ayaa ragooda ay dhibatadani la soo daristay iyadoo ay haboon tahay in haweenaydu ay ninkeda ku baraarujiso inuu tago dhakhtar nooca (psychological doctor) ama (therapy sexual healing expert)
Hadaba biya baxani waxa uu dhaca wakhtiga uu ninku ama gabadhu ay ku gudo jirto galmada iyadoo raga qaar ay suurto gal tahayba in wax ka yar hal daqiiqo uu biyo baxo. Warbixin uu soo saaray journal ka soo baxa dalka maraykanka oo loo yaqaan (American medical association journal) wuxuu tilmaamay in rag iyo dumarba kuwa ay da,doodu u dhaxayso 18-59 ay boqolkiiba 14% aanay galmada ku raaxaysan sabab la xidhiidha biya baxa lamanohooda awgeed halka boqolkiiba 26% aanay rabin galmo haba yaraate. Akhriste waxaad maanka ku haysaa in ay aanay xanuun ahayn in ninku biyo bax badani ku yimaad wakhtiga uu ku cusubyahay guurka taasoo ay ugu wacantahay raynranta uu galmada(sexual excitement) u hayo balse mudo yar ka dib aanad biyo bixi doonin adigoo la qabsan doona taasina waa caadi ah (normal situation).
Maxaa keena (premature ejaculationka)?
Waxa xaqiiqo ah in waxkasta oo qofka ku dhacaa ay leeyihiin sabab, hadaba dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta ah ayaa waxaynu soo qadan doona dhowr qodob oo ah waxyaabaha keena inuu qofku hore u biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah(psychological factors)(personal problems) qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna marka uu guriga usoo hoydo aan ka helin haweenaydiisa soo dhawayn aad u saraysa, in qofku uu kalsooni daro ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu sayigeeda aanay aad ugu kalsoonayn iyadoon dhiiri galin badan siinin(sexual feeling), qofka oo wakhtiga uu galmada bilaabayo dareema iskubuuq badan (excessive nervousness owing to sex). Soojeedka habeenkii oo isaguna ka mida waxyabaha keena, iyadoo lo bahanyahay qofku inuu yareeyo saamalaylka ama soo jeedka faraha badan.
2- Qofka oo ay la soo darsaan dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imid kuwaas oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta oo ku xanuunta (prostate infective diseases) iyo isbadalka ku imaada maskaxda oo qayb wayn ka ah biya baxa qofka. Tusale ahaan, adigoo ka fikiraya waxyaabo kale oo aad samayso galmo waxa hubaal ah in ay iman karto dhibatadani
3- Cabida sigaarku waxay qayb laxaadle ka qadata dhibatadan in qofku uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada, sababtoo ah unugyada dhiiga qaada waxay noqdaan kuwo aad u yaryar(our cells become smaller due to smoking) markuu qofku sigaarka cabo, taasoo hadhaw keenta in dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo(poor blood circulation).
4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad badan inay is waydiiyaan waa maxay sababta cunista qaadku ay biyo baxa u keento, akhriste qaadka oo ay ku jiraan maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka(drug additctive) qofku marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba in hamiga uu u hayo inuu la galmoodo xaaskisu uu yahay mid aad u sareya (high capulation drive) lakin inka yar 3 daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku biyo baxaa(early discharge) isagoo markiiba noqda qof hurdo hayso, taasna waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah daroogo la dagaalamaysa jidhkena(physical and mentally problem) qofkuna aanu awoodin inuu marlabaad xaaskisa u tago.
5- Qodobkan 5aad oo ah ka ugu muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku isku raaceen inuu keeno biyo baxa dagdaga ah80% ayaa waxa loo yaqaan afka qalaad(masturbation) ama qofka oo isagu gacantiisa iskaga keena biyaha isagoo kali ah. Waxa la ogaaday in dhalinyarta rag iyo dumarba ay ugu wacantahay in boqolkiba konton ay ku keento dhibatadaasi biya baxa dagdaga ah marka uu qofku guursado.
6- Daawashada filimada aan haboonayn ayaa qayb laxaadle ka qaata biya baxa dagdaga ah taasoo ay ugu wacantahay inay maskaxda qofka badalaan isagoo qofku aan ogayn ayaa waxa ku iman karta in hadhaw markuu xaas yeesho uu hayn kari waayo biyahii(dawashada filimadaas oo la isku raacay inay hoos u dhigaan raganimada ninka).
Maxaa dhibaato ka iman karta?
Akhriste, waxaan filaya inaad fikrad fiican ka haysato mawduucan, waxaynu isku dayaynaa ama ay su,aasha ugu muhiimsani tahay, biyo baxa dagdagi ahi rag iyo dumarba dhibaato maku keeni karaa habsami socodka qoyska?
Su,aashan oo in badan muran ka taagnaa ayaa dhawaanahan danbe la isku raacsanyahay in ay jawaabtu tahay HAA!
Way adagtahay in ninku uu ka hadlo dhibaatadan iyadoo raga badankoodu ay qarsadaan taasoo ay u arkaan inay tahay mid aan haboonayn in laga wada hadlo, akhriste dad badan ayaa aaminsan inay tahay ceeb in qof dhakhtar ah ama aqoon u leh dhibaatadan la waydiiyo sidii looga bixi lahaa.
Waxa marag ma doonto ah, in wakhtiga galmada ay niyad jab wayn ku tahay lamaanaha in midkood uu hore u biyo baxo isagoon qofkii kale gaadhin ahmiyadii (climax) taasoo raga ay dhibaatadani haysato ay anfariir ka qaadan, inay la galmoodan xaasaskooda dhibatadan awgeed, iyagoo isku arka inaanay ahayn nin buuxa.
Run ahaantii taasi waxa aad ogata in xanuunkan premature ejaculation uu yahay ka ugu sahlan ee laga dawoobi karo, qofkana nolosha lamaanihiisu ay ku hagaagi karto. Isku soo wada duuboo, dhibaaatada ugu wayn ee ka iman kartaa waxa weeye inaad qancin kari waydo xaaskaga taaso mararka qaar keenta xidhiidh xumo qoys.
Dawo maleeyahay?
Inagoo soo gaadhnay nuxurkii maqaalkeenan, warka fiicani waxa uu yahay in xanuunkan looga dawoobi karo si aad u dhibyar.
Akhriste, hadii aad hore ugu tagtay dhakhtar oo uu kusoo qoray kiniinada awooda siiya ninka xiliga galmada ee ay ka midka yihiin, Viagra, creams, spray etc, waxaad ogaataa in xaaladu ay kasii darayso, waxa la isku raacay in dhamaanba kiniinada noocaas ah ee tamarta siiya raga ay yihiin qaar aan haba yaraatee waxba ka tarin xanuunankan biya baxa dagdaga ah.
Dhalinyaro aad u tiro badan xanuunkan waxa ku keena iyagoo badankoodu daawada filimada aan fiicnayn ama loo yaqaan(blue films) waxay culimadu isku raaceen inay door wayn ka tahay biya baxa dagdaga ah, akhriste hadii aad jeceshahay inaad xaaskaaga qanciso waxa kale oo haboon inaad joojiso waxyaabaha aan hore u soo sheegnay oo aad maskaxdada u sheegto xaqiiqda, waxa kale oo aan hadal ka taagnayn in qofkoo kaligii biyaha iska keenaa uu dhaxli karo biya bax kadib markuu guursado ama ka horba.
Hadaba waa noocee habka ugu fiican ee aad kaga dawoobi karta?
Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)
1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.
2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan. Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)
3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood ka hor wakhtiga aad galmoonayso wax cuntay.
4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )
5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso inaanad biyo bixin.
6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan tijaabi.
7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu isagu iska kenayo. Qofka waxkale oo oo haboon inuu yareeyo galmada faraha badanle mudada hore ee uu rabo inuu xanuunkan ka bogsado, waxa ay culimo badani isku raacsanyihiin in galmada ugu fiican uu qofku samayn karo halkii week maalin, tani waxay soo celin kartaa tayada biyahaga iyadoo yarayn karta biya baxa badan ee had iyo jeer kugu iman kara.
8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya, waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin doona talooyinka ugu haboon.
Cuntooyinka aad cunayso!
Akhriste, cuntooyinkan waxaad cuntaa maalinkasta mudo 3 bilood ah insha allah waxaad la kulmi doontaa is badal wayn.
Cuntooyinka aad u baahantahay:-
1. Qamadida(habeenkii hadaad heli karto casho ahaan)
2. Xasiida macaan(sweet corns)
3. Baamiyaha(isaga oo qadada lagu karinayo)
4. Beans ka cad
5. bariiska
6. Sesame seeds (Tal)
7. Basasha cad (xabad maalintii way kugu filantahay)
8. Toonta oo aad cunto(very recommended)
9. Karooga, hadii aad ridqi karto isagoo bila sonkor ah
10. Coconut hadii aad helayso waa muhiim
11. Cinabka
12. Tufaaxa
13. Muuska
14. Maangada
15. Kaluunka iyo wixii sea food ah oo dhan(waa muhiim)
16. Hilibka (red meat)
17. Caanaha(nooca aan labeentu ku badnayn) law fat milk
18. Ciirta, ama yogurt, aroortii ayaad ku quraacanaysa
19. Ugu danbayn waxaad cabaysa maalintii biyo badan si ay shahwadaadu u noqoto mid tayo badan (quality semen sperm)
Cuntooyinka aad ka fogaanayso!
1- Basbaaska cas
2- Cuntooyinka dhanaanku ku badanyahay(all sour foods)
3- Tea, Coffee, Caffeine
4- Khalka lagu daro saladka (vinegar)
Guntii iyo gabagabadii mawduucan maanta, waxaan ka cudurdaaranaya inaanan maqaal iyo laba aanan kusoo koobi karin balse ay tani hordhac ku filantahay. akhriste wixii su’aal ama talo ah igu soo waydii cinwaanka hoos ku qoran.
Hibayn: Waxaan u hibeyey qoraalkan dhamaan umada afka somaliga ku hadasha intii uu anfici karo, dhalinyar iyo waayeelba, waxa hubaal ah in qaar ka mid ah bulshadeena ay dhibaatadani fara baas ku hayso, fadlan ka hortagu wuu ka fiicanyahay is dawaynta, waxaan ugu danbayn soo jeedin lahaa in aad ilaahay waydiisato caafimaad kaamil ah oo aad ku dedaasho cibadada insha allahu. Hadii aad u baahantahay reference ku saabsan cilmi baadhistan isoo dir email si aan kugu soo diro wixii resourses ee aan hayo.
Maqaalkan maqaalka xiga oo aynu kaga hadli doono, ahmiyada ay cabitaanka biyuhu u leeyihin caafimadka qofka, inta xanuun ee ay daweeyan iyo xaddiga biyaha ee uu qofku u baahanyahay maalintii.
NB: Qoraalkan xuquuqdisa waxa iska leh qoraaga oo kaliya, dib looma daabici karo, lama badali karo, laakin waa la kaydsan karaa.
Wabilaahi tawfiiq
Dr Ahmed sheikh
a_sheikh84@hotmail.com
Waan idin salamyaa dhamaantiin dadkii ka qayb qaatay qorida buugaan oo aad iyo aad u muhiima ah hada wulahay markaan akhriyay concept Guud ayan ka helay . balse waxaan sii jeclaan lahaa inaan helo isagoo buug dhan ah oo ka sheekaynaya
asalamu calaykum dhamantinba walal waxan kaga mahadnaqaya sida hawlkar iyo aqoon badnida leh e ad ugu fa idaysay walalahaga dhibatada galmo so gadhay alle ha ka abaal mariyo intana kasii kordhi fadlan wabilaahi tawfiiq
WAAD KU MAHAD SANTAHAY FA’IIDADA AAD NOO FAI’IDAYSAYA
daawo aan cuno oon ahaym galmadon yareyo iyo cuntada aad shegten may jirta on cuno fadlan i shega haday jirto
Walal waxan raba dhaqtar an u tago iyo hadi ad taqan mesha u ku yalo
masha allaah wa talo ad u wamagsan wax tarna ah wax yaabo badan oo ika qarsonaay ayan ka helay
Asc walal ad allah ba mahadleh kubary cilmigan thuma ad ayad u mahadsantahy walal wax badan ayad nofaidaysay misankada xasanadka ah alaha kugu kordhiyo dadbadana way kafaidaysten an ani kamid ahay wali magursan hadan rajaynaya in sha allah
walal aad ayaad u mahadantahay. hadii ka waran qofku marka labaad xitaa qalabkisa galmada uu u kici waayo oo hadii uu isku dayo mudo uu awoodi waayo taasna maxaa la oran karaa.? mahadasnid qorshaha xigana taas kus oo dar walal
as walal ad iyo ad ay nogu faidaysy manshalh ilhay ajr iyo xasanad ka siyo thxz
asc walal masha,allah waxbadan ayaad ino isheegty kheyr allaha ku siiyo walal
Asc dhamaan dadkii kashaqeeyay warbixintan muhiimka u ah dadka somalida ah wana kumahad santihiin . Suasheeyda waxa ay tahay waxa aad noo shegtay rashimo magacyado qar an fahmiwaayay sida xasiida macaan iyo sisame siids (tal) ama karooga waxa aan kaa cod sanayaa in aad noo faafahiso adiga oo raalina ah fadlan ?
Asc wr wb Salan Akhuna Shiekh Ahmed Ilahay haka ajar ziyo cilmigada ad nagu deqday ilahayna waxan kaga baryayaa inuu intas inkabadan kugu deqo INTAAS kadib cashirkan Wa cashir an wax badan kafaidnay wana arkay dad sirtoda igu qarsaday O an waxbo ka oran wayay waxan ka ahayn Dactor laxirir Lkn maqaalkan cilmi badan ayan kafaidnay masha alah Walal Waxan ka codsanaya aniga ahan inat no badiso cashiradan Waxana qasatan Cosnayaa Mowduc ay dadka inbadan iweydiyen O an wax jwb ah ku celin kaas o ah MAXAA KEENA RAGA MARKEY BIYO BIXAYAN INEYSAN BIYAHA MEEL DHEER GARSIN SIDA BIYAHA INEY NOQDAN SIDA MALAX CML walal jwb wcn ayan ka sugayaa
asc aad ayan idiin salamaya walalo waxan raba inad isheegtan waxa lagu dawayn karo biya baxa dag daga aha waxan ku biya baxa mudo ka yar 2 miniid aad ayad uu mahad san tihiin
WALAAL WAAN KA HELNAY SIDAAD WAX NOOGU SHEEGTEEN HADABA WALAALO GALAYDA IYO DIGIRTA LA ISKU DARAY MEEYNAN U FIICNAYN CASHADA HABEENKII QUWAD SOO UMALAH XAGA GALMADA CUNTADAAS NINKA JOOGTEEYA
ASC,,, walaalayaal waxaan ahay nin la kadeedan,biyo bax dag dag ah,oo hadii ay xubintaydu kacdo ay biyo bax yar oo aan badneyn uu iga imanayo,, waa hadii ay kacdo un,,,mana ihi nin xaas leh, waayo waxaan isticmaali jirey marka aaan baahdo siigo, oo aan islahaa sinada kaga fogow, dabadeed biyo bax dag dag ah ayaan yeeshay,,, markaas sidee aan kaga fogaan karaa, idinka oo si walaaltinimo ii caawinaya, oo muslim nimo, eegayana mustaqbalkayga danbe,, iiina soo duceeya walaalayaal????plz,,plz,,,plz,,plz
Mahadsanid
Iisooduceye walalyaal fadlan fadlan fadlan
Asc wr wp waxa mahad oo dhan ay u sugnatay allah subxanahu watacala waxa kalo u mahad celinaya qoragan sida qadiyada leh u qoray bugan wanagsan e leh tayo iyo talo rac cafimad walalken ahmed sheikh allah haku dhowro aqontadane allah haku siyadiyo insha allah wax badan ayan ku weydin laha balse No chance to an kugu weydiyo but No muthe walal ad ayad u mahadsantahay wayo waxa jira dad aad ugu bahna qoralkan e ad qortay becouse dhalinta jogta manta waxa ay u baten qurbo o an qarkod leheyn wax xas ah ama an horo u gursan wanadan xambarsan cafimadka ra.yiga iyo aqonta ad ugu siyadisay aya ku filan mahadsanid walal mcn
aad baad u mahadsantahay sida wanagsan ee wax noogu tilmaamtay allaha nagu anfaco, allena haloo noqdo isagaa kaa dulqaadi kara xanuunka, waxanad ogaataan akhyaareey xanuun walboo ku haya hadaad alle waydiisato inuu kaa dul qaado waa kaa dulqaadayaa waana hubaal waayo eebe ducada waa kugu jeclaanayaa wl jazaakalaahu khayraa walaalka qoraaga ah
Jazaakumu ALLAH
ilaahay ha idinka jasaaid siiyo dhamaan intii qortay buugan
Asc waxaan halkaan kasalaamayaa dhamaan dhalin yarta somaliyed aqriste xaaskeega marka aan galmonayo aad bay uqeelisaa marka maxaakeena qeeladaas mida kale hadaan 3 ama 4 biyaajo hadaan galo nafsadeeda dhibaato miyey ukeeni lartaa jwb
Sual waxaan rabaa dadwaynaha waxa ay ka aamin sanyihiin erayga waan ku jeclahay ok
midakale baashida maxay faa iido ay leedahay yacni dhanka raaxada maxay ka qaabilsantahay jwb
mahadsanidiin
asc maashaa allaah runtii in badan oo asxaabtay ah ayaa iwaydiisay laakiin waa mid muhiim uah khaasatan dhalin yarada qurbaha joogta waayo gabdhuhu way ka awood badan yihiin xaga sharciga oolagaamayeelayo wan qabaa ee adoon furin bay wiilkale raaci kartaa taasna waa awood yaraan ta xaga raga badiba hada maa shaa allaah alaw na gu astur guurka iskufilnaasho xaga labadalamaaneba ammmmiiiiiinnn
Leave a reply