shaqkikumajiro


Maxaa Soomaalida kaga lumay burburkii Qarankii weynaa ee Soomaaliya
Shaki kuma jiro in qof kastaaba qiyaasi karo waxa Soomaali kaga lumay burburkii qaranimadii weynayd ee Soomaaliya, laakiin qiyaastaas baa si weyn u kala duwan, qof waxa uu ku qiimaynayaa oo ka eegayaa dhinaca nabadda, qof kale waxa uu ka eegaya sharaf iyo magac, qof kale waxa uu ka eegayaa dowladnimo calan iyo ciidan, qaar kalena waxa ay ka eegayaan meelo kale waxaanay ku eegayaan indho kala duwan iyo waqtiyo kala durugsan.
Maqaalkani intaa aan soo sheegnay si ka yara waasacsan ama ka balaadhan ayuu u qiimaynayaa waxa Soomaali kaga lumay burburkii qarankooda:
Ummadaha adduunka ku nooli aad iyo aad bay u badan yihiin, duruufaha haystaana way kala duwan yihiin laakiin Soomaalidu waxa ay noqotay: Ummadda keli ah ee dadkeeda wax qora waxna akhriyaa ka yar yihiin 20%, ummadda keli ah ee dadkeeda aan shaqada haysani ka badan yihiin 90%, ummadda keli ah ee aan passport lahayn, Ummadda keli ah ee aan diyaarad lahayn, ummadda keli ah ee aan qof wax duuliya (pilot) lahayn, ummadda keli ah ee aan dowlad lahayn, ummadda keli ah ee dalkooda wixii la doono laga samayn karo, ummadda keli ah ee xeebahooda si sahlan sun loogu aasi karo. Sababaha ay keli ugu noqdeen waxaas oo dhan maaha in dadka Soomaalidu ka liitaan ummadaha kale ee Soomaalidu waa ummadda keli ah ee maanta adduunka ku nool ee qarankoodii burburay.
Intaas oo wax oo maanta Soomaali ka maqan gobolka uu doonee ha joogee waxa la oran karaa la’aantoood waaba la’ noolaan karaa haba ahaato nolol dhib badane, laakiin waxa Soomaali intaa u dheer arrimo aasaasi ah oo lagama maarmaan u ah jiritaanka ummad kasta oo la’aantood aanay noolaan karin kuwaas oo ka dumay markii qarankii ka dumay kana maqnaan doona inta qarankii ka maqan yahay. Waxaana ka mid ah arimahaas:

Amniga ummadda: In qofku helo ammaan waa aasaasiyaadka xuquuqeed ee qofku ku leeyahay qarankiisa, burburkii kaddibna waa shaygii ugu horreeyey ee ka lumay qofka Soomaaliyeed, laakiin amniga shakhsiga ah waxa ka sii qoto dheer amniga ummadeed waana mudnaanta koowaad ee qaran waliba ilaaliyo. Amniga ummadda ama (National Security) maaha qof loo ilaalinayo dukaankiisa iyo in aan shufto waddo u gelin oo isbaaraysan laakiin waa ilaalinta amniga guud ee qaranka, waxa laga yaabaa in aad inta badan maqashay waddamo waaweyn oo isku haysta dalkaasi Nuclear buu haystaa, wuu samaysanayaa iyo ma samaysan karo. Nukliyeerka, gantaalaha ridada dheer iyo diyaaradaha aan satilite ku qaban waxa lagu falaa maaha in lagu ilaaliyo amniga qof laakiin waa waajibka koowaad ee qaran oo ah ilaalinta amniga ummadda. Maanta ma jirto cid Soomaali u haysa shaqadaas ama u taagan ilaalinta amniga guud ee ummadda oo haddii lagu soo duulo ama la qabsado ma jirto difaac iyo xitaa cid soo ogata in duulimaad soo socdo waana wixii ugu weynaa ee ummadda Soomaaliyeed kaga lumay burburkii qarankii Soomaaliyeed.

Hoggaanka: Xaaji Aadan Af-Qalooc wuxu yidhi “Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye, mid yar uu intiisa ah ayaa soo awaal baxa’e isagaa anfaaciga dhirtiyo Oodda kaafiye”. Marka qaranku dhisan yahay sidii geed timir ah wuxu soo saaraa midho cusub, burburkii kaddib waxa adkaatay in qaranka ay u soo baxaan hoggaan cusub, sababta oo ah ma jiro golihii ama garoonkii uu ku soo bixi lahaa. Safaro aan ku tegay meelo kala duwan oo adduunka ah ayaa dhalinyaro aan la kulmay ay laabtayda ku beereen xusuus lama illaawaan ah. Weligay ma illaaawayo wiilashii iyo gabdhihii aan soo arkay ee aan is iri kuwanina dadkaaga ma ku jireen. Laakiin Soomaalidu waxa ay ku maahmaahaan “boqol iyo afar iyo tobankaan aqaannaa yaa kaa akhrisanaya baa ka horraysa”. Hoggaamiyuhu sida laacibka kubadda oo kale waa in uu haysto garoon ama platform, laakiin hoggaamiyuhu haddii aanu dal lahayn waa wax aad iyo aad u adag in uu soo baxo sabata oo ah dal la hoggaamiyo iyo dad uu hoggaamiyo ayuu u baahan yahay waxaanu noqonayaa sidii maahmaahdii May-ga ahayd “af waakane may liki aamee”.

Xagga dhaqaalaha: Dowlad la’aani waa dhaqaale la’aan, waa horumar la’aan, waana wax soo saar la’aan, burburkii ka hor Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd waddamada ugu badan ee dhoofiya Muuska (Mooska), Xoolaha nool, haragga, banbeelmada iyo xabagta qaaliga ah ee maydiga iyo xijiga loo yaqaanno. Iyada oo intaasiba jirto hadda dhinaca aan ka eegayo ee khusaysa waxa soomaali kaga lumay maaha in aanay intaa midna dhoofin maanta ee waa in Soomaaliya noqotay waddanka keli ah ee adduunka ku yaalla ee dibadda looga keeno xitaa waxyaabaha hoose ee aasaasiyaadka ah sida cusbada, basasha, tuunada, bacaha yaryar, hilibka digaagga, baradhada, caanaha, ulaha bakooradaha ah ee lagu tukubo iyo biyaha nadiifta ah ee la cabbo iwm. Hadda ogow kama hadlayo wax warshado iyo dhaqaale u baahan waxa aan ka hadlayaa waa hilib digaag iyo biyo la cabbo. Waxaaban xusuustaa bur-burkii kaddib iyada oo ajanebiga ka shaqeeya gudaha dalka rootida subaxdii looga keeno Jabuuti, ciidankii UN ka ee 1990’s kiina waxa la wada xusuustaa lacagta kaga baxday biyihii ay cabbayeen oo keli ah ee looga keeni jirey Sucuudiga in ay Xamar ka dhisi lahayd 20 warshadood oo biyaha safeeya.
Dal jacayl: Halgamaa Xirsi Xaaji Jaamac (Xirsi Calanside) oo goob joog ka ahaa dhacdadii Dhagaxtuur ee Xaawo Taako cadowgu ku dilay wuxu iiga sheekeeyey qiso lama illaawaan ah, wuxu yiri habeenka calanka la saarayey 1dii July 1960 kii waxan joogay NFD magaalada Siyeelow, Guddoomiyihii degmada oo Ingiriis ahaa waa noo diiday in aannu dabaal degno laakiin markii dambe jibbadayadii iyo farxaddii buu ka baqay in rabshadi dhacdo waxaanu noo ogolaaday in aannu dabbaal degno laakiin wuxu nagu xiray shuruud ah in aannaan dammaashaadka dhaafin 12 saqda dhexe, sidaasaa lagu heshiiyey calankiina lagu taagay, subaxdii markii waagii beryey waxa noo soo cid dirtay oday da’ah oo 90 jir ah wuxu nagu yiri i qaada oo i hoos geeya halka calanka (Bandiiradda) laga taagay markii aannu keenay odaygii waa miyir doorsoomay farxad darteed, Xirsi Calanside wuxu leeyahay weligay ma arag qof farxad darteed u miyir beela oo farxad darteed kaadi uga qubato odaygaas ka harrow. Farxaddaas waxa beddelay in maanta ay soo bexeen dad ku fekeraya in ay dalkaba gataan, dhowaan ayaa nin Nairobi ku arkay Janankii Ethiopianka ahaa ee xoogga ku qabsaday Soomaaliya 2007 General Gabre, ninki wuxu yiri si xun baan ula hadlay, laakiin wuxu igu yiri anigu waxan ka fiicanahay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan oo raba dalka in ay gataan, laakiin anigu waxan iraahdaa buu yidhi “Somalia is not for sale” Soomaaliya iib maaha. Runtii waa ayaan darro ku dhacday waddaniga Soomaaliyeed in Gabre oo la ogyahay denbiyada uu Soomaali ka galay in uu maanta ku faano in uu Soomaaliya uga lexejeclo badan yahay kuwa maamula.
Waxa nalagu soo ababiyey Gobanimada waa loo dhintaa Goor iyo Ayaane, waxa nala baray Geesiga dhulkiisa Guusha u horseeda Geerida dishaay Geedkaa ha ba’o, waxan ku barbaarnay Haddii aanan dhulkaygow Dhuux cadaawe kuu gelin, Hadii aanan Dhulkaygow Dhiig kuu fool-dhaqan Soomaali kama Dhalan, maantana dhulka, dhirta, dadka, badda, berriga, biyaha, buuraha iyo dadkuba waa beec. Taasina waxa ay ku timi oo laga dhaxlay qaran-jabkii Soomaaliya.
Abwaan Soomaaliyeed oo dib u milicsaday wixii ummadda ka dumay baa hore u yidhi:

  • Dal iyo magac bay lahayd: Dad iyo mudan bay lahayd
    Duunyiyo mahad bay lahayd: Diin iyo dhaqan bay lahayd
    Duug iyo dhaxal bay lahayd: Daw iyo marin bay lahayd
    Dabool adag bay lahayd: Dallaayad saray lahayd
    Shishiyo duluc bay lahayd: Dagaal sharafay lahayd
    Duciyo Nabad bay lahayd: Nin-door taliyay lahayd
    Wixii dumey bay lahayd!!!

Cabsida saaidka ah ee in la waayo Soomaaliya oo dhan:
Haddii Ibraahim Gadhle lahaa “
Anna laba daryaaliyo waxan daar cad uga baxay
Dalku yaanu Daaliyo- Doolow u kala go’in
Si ay labada daamood dab u wada kulaalaan
Dibi keligay lay qalay Qoys keli ah dibiradii
Waxa aan ka door biday Duubigoo shan lagu cuno
“Ibraahim Gadhle”
Maanta halista jirtaa way ka baaxad weyn tahay in dalku u kala go’o Daalo iyo Doolow, laakiin halistu waxa ay tahay in dalkii Ilaahay ku abuuray ummadda Soomaaliyeed laga waayo maabka adduunka. Waxa laga yabaa in qofka Soomaaliga ah ee maanta maqla cabsi baa jirta in dalka Soomaaliya laga waayo maabka adduunka ay ku noqoto sidii riyo oo kale, laakiin waxa mudan in taariikhda wax laga barto, qofka Falastiiniga ah ee boqol sano ka hor (1910) lagu odhan lahaa waxa dhici doonta maalin la waayayo wax la yidhaahdo “Ardul Falasdiin” waxa laga yaabaa in uu ku qosli lahaa qofka sidaa ku yidhaahda, maantana waxa ay baryayaan in dalkii Falasdiin aan loogu yeedhin Jewish Homeland ee loogu yeedho State of Israel. Sidoo kale ummaddii lahayd waddanka Australia ee loo bixiyey Up-original markii dhulkoodii laga dhaxal wareejiyey waxa ay muddo dheer u halgamayeen ma’ ahayn in ay dhulkoodii dib u helaan ee waxa ay xooggoodii iyo xoolohoodii isugu geeyeen in wixii lagu sameeyey iyo ubadkoodii xoogga lagaga qafaashay raali-gelin laga siiyo ama “Sorry” lagu yidhaahdo. Halkan ka daawo oohintii ka dhacday 13kii February 2008 maalintii Raiisal Wasaare Kevin Rudd uu Sorry ku yidhi. http://www.youtube.com/watch?v=aKWfiFp24rA&feature=related

Buugaagta taariikhda waxa aynu ka helaynaa intaas oo ummadood oo sideenna oo kale dal iyo dad lahaa, maantana sida Gypsiga dunida wareegaya iyaga oo bar-laawe ah, waxa tusaale kuugu filan sidii loo dhaxal wareejiyey Red Indians kii asalka u lahaa Maraykan, dhammaantood intaan dhulka laga qaadin waa la qaybiyey, oo la isku diray, oo la kala fogeeyey, aakhirkiina loo xoog-sheegtay.
Haddii inaba shaki kaaga jiro halista ay Soomaaliya ugu jirto in lala wareego bal akhri qisadan gaaban ee aan goob-joogga u ahaa: “Nin Soomaali ah oo ka mid ah madaxda dalka Kenya ayaa anaga oo badan nooga sheekeeyey dagaalkii uu ka galay iibkii badda Soomaaliya ee sanadkii 2009, wuxu yiri Madaxweyne Kibaki baan ku iri ummaddan jabtay inaguna miyaan sii boobnaa, wuxu yiri Mr Kibaki dowladaha oo dhan waa boobayaan Soomaaliya ee maxaad inaga (Kenya) inoogu diidaysaa.

Haddii 1950kii Cismaan Yuusuf Keenadiid lahaa “ Waar Soomaali waa maqan tahay ee seexashada diida”, iyada oo rajada laga qabay in ay xorowdo uu ahaa 90%, tolow maanta oo rajada iyo niyadduba aanay fiicnayn maxaan iraahdaa, allaylehe aan idhaahdo:
Soomaali Qarankeed Jabyoo edegyo loo Qoolye
Quruxdiyo maxay ciiddu tari Qaran haddaan waayey.

Haddaba haddii aan ka jawaabo su’aashii aan ku bilaabay maqaalka ee ahayd Maxaa Soomaalida kaga lumay burburkii Qarankoodii weynaa ee Soomaaliya, jawaabtu waxa ay tahay: Haddii ciyaar-ciyaar iyo si’ la’ baajin karayey uu ku dumay qarankii, maanta waxa halis ku jira jiritaankii ummadda Soomaaliyeed. (Fadlan eeg sawirka la socda ee attachment ka ah)

Cismaan Abokor
Guddoomiyaha Xisbiga HANOOLAATO
www.hanoolaato.org