gabdhaheena


Bani’aadamka ayaa marka ay dhacdo aan ka farxin la soo gudubto si fudud u ilaaba sabirka iyo dhinaca fiican in uu wax ka eego. Hadaba sheeko yar oo ku dhacday qof aad dhinaca fiican
wax uga eega ayaynu la qaybsanaynaa sida quruxda badan ee uu ku qaabilay dhacdooyin soo wajahay.
Waana kuwan dhacdooyinkii ee sidaa iyo akhirs wacan:

Saaka ayaa markii aan kacay waxa aan dareemay xanaaq. Laakiin waa arin fiican. Sababtoo ah waxa uu xanaaqaasi muujinayaa in aan dareen leeyahay.

Kadib waxa aan si qalad ah ilkaha ugu cadayday kareemka wajiga. Dhacdadaana waxa aan ku ogaaday in qofka kastaa uu qalad samayn karo. Taasina waxa ay iga caawisay in aan xusuusnaado in aanu jirin qof dhani.

Markii aan furay talaajada ayaa waxa dhulka ku dhacday baaket caano ku jiraan. Caanihii ayaa kabahii iyo surwaalkii aan xiraa iga haleeyay. Laakiin waxa aan naftayda u sheegay in caanuhu u fiican yihiin maqaarka. Surwaalkana waxa aan rabay in aan iskaba bedalo.

Intii aan arimahaa ku mashquulsanaa ayaa waxa aad u karay kofeegii dabka ii saaraa ee aan rabay in aan cabo. Kadibna waxa aan xusuustay in aanu kofeegu u fiicnayn calool maran.

Markii aan soo baxay ee albaabkii gurigu is xiray ayaa waxa aan ogaaday in furihii uu guriga ku jiro. Abooy! Waqti xun ayay masiibadani ku qabsaty ayaan ku fikiray. Waxa aan isu sheegay in aanan u baahnayn in aan albaabka jabiyo ilaa inta aan shaqada ka soo noqonayo.

Shaqada ayaa waxa aan soo qaatay rooti aan ku quraacanayay. Rootida ayaa waxa ku jiray dhagax. Dhagaxii ayaa ilig iga jabiyay. Laakiin iligan ayaa si qaloocan ciridka ugu jiray, waxaanan u sheegay dhaqtarkii ilkaha in uu iga saaro iligaba. Maxaaba ka wanaagsan in aanad lahayn ilka qalqalooca ayaan ku fikiray, waxaana igu dhalatay farxad.

Waxa aan damcay in aan lacag kala soo baxo mashiinka bangiga ee darbiaga ku yaal. Mashiinkii ayaa waxa uu iga liqay kaarkii. Waxa aan gargaraacay mashiinkii.
Aha! Koloyba lacagtaas way iga bixi lahayd ayaan isugu caqli ciliyay aniga oo aad isu dejinaya.

Furitaankii albaabka iyo qufulkii cusbaa ee aan guriga ku samaystay iguma kicin wax ka badan $ 30. Qaraxii ka yeeray TV-ga markii aan daarayna sidaa uma sii waynayn. Hada ayaaban soo iibsan doonaa TV cusb iyo darbiga guriga oo aan rinji cusub marin doono. Maxaaba ka fiican.

Way fiican tahay in markasta dhinaca fiican (positive) wax laga eego. Kadibna waxa aan is ku tuuray sariirta, isu diyaariyay hurdo inkasta oo sariirta lugaheeda dambe jabeen. Hadii aanan dhinaca fiican wax ka eegin oo caro, dagaal, qaylo, neeftuur iyo xanaaq ku wajihi lahaa arimaha iqabsady maantansi fudud uma gam’een.

Amina Ahmed Jama
Ladaneey